7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 7 , 2023
Kamaal Aba Sheekh "Wiilkeyga waa muwaadin Kenyan ah waxa lagu eedeynayo shaqo kuma lahan oo waa la afduubtay"
 

Sabti, October, 7, 2023 (HOL) - Kamaal Aba Sheekh oo ah Aabaha dhalay Sakariye Kamaal Aba Sheikh oo ay ku eedeysay dowladda Soomaaliya inuu fududeyn jiray hubka iyo qalabka kale ee milatari ee kooxda Al-Shabaab dibada ka soo iibsato ayaa ka hadlay waxyaabaha ka jira eedaha lagu haysto wiilkiisa.

Sakariya Kamaal Aba Sheekh oo hay'adda NISA dhawaan sheegtay iney gacanta kusoo dhigtay isaga oo ku dhuumaaleysana gudaha Soomaaliya, ayaa waxaa arintaasi beeniyay Aabahiis Kamaal Aba Shekh, kaasoo sheegay in wiilkiisa laga afduubtay magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

"Wiilkeyga waxaa laga qalaafashay magaalada Mombasa, waxaan hayna cadeymaha ku aadan marka la afduubanaayay, waxa lagu eedeynayana waxba kama jiraan oo wiilkeyga waxaas shaqo kuma lahan waxaana doonaya inaan cadaalad u helo wiilkeyga" ayuu yiri Kamaal Aba Sheekh.

Wuxuu sidoo kale xusay in wiilkiisa uu yahay 28 jir Kenyaan ah oo uusan aheyn Soomaali, islamarkaana uu dalbanayo in lagu maxkamadeeyo gudaha dalka Kenya.

"Wiilkeyga waa muwaadin Kenyan ah waxa lagu eedeyayna shaqo kuma lahan waxuu ahaa nin ku shaqeysta meherad aan aniga u furay wuxii wax kusoo bartay Chinna, ma ahan nin waligiis shabaab arkay xata ee hadii ay jirto cadeymo lagu hayo miiska hala soo saaro oo hala xukumo, hadii aan cadeyn lagu heyna waxaa codsanaya in wiilkeyga la ii soo daayo" ayuu yiri Kamaal Aba Sheekh.

Aabahaan dhalay wiilka ku eedeysan inuu Shabaab u fududeyn jiray hubka iyo qalabka kale ee milatari ee kooxda dibada ka soo iibsato ayaa ugu dambeyn ka codsaday dowladda Fedaraalka Soomaaliya in cadaalada si deg deg ah u horkeento.