7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 7 , 2023
Raysal wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha SSC- Khaatumo
 

Sabti, October, 7, 2023 (HOL) - Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha SSC- Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), kaasoo Muqdisho ku tagay casuumaad rasmi ah oo dowladdu u fidisay.

Bayaan kooban oo kasoo baxay xafiiska raysal wasaaraha ayaa lagu sheegay, in ra'iisul Wasaaruhu ka dhageystay hoggaamiye Firdhiye warbixin ku saabsan xaaladda ka jirta deegaanada SSC- Khaatumo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa tilmaamay in Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo in wixii khilaafa ee jira lagu xalliyo wada-hadal.

Waa kulankii ugu horreeyay ee dhexmara hoggaamiyaha SSC- Khaatumo iyo raysal wasaaraha dalka. Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu la kulmo, sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah.

Xildhibaano kasoo jeeda waqooyiga Soomaaliya (Somaliland) ayaa kasoo horjeestay habka ay dowladdu usoo dhoweysay hoggaamiyaha SSC- Khaatumo. Waxayna aaminsan yihiin in arrintaan ay saamayn ku yeelan karto wadahadalada dhexmaridoono Soomaaliya iyo Somaliland.