7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 7 , 2023
Shaqaale Soomaali ah oo ku dhaqan Maraykanka oo ka gadooday siyaasad ay ku tilmaameen takoor diimeed
 

Sabti, October, 7, 2023 (HOL) - In ka badan 60 shaqaale muslimiin ah oo intooda badan ay yihiin Soomaali, ayaa ku mudaharaaday xarun ay u shaqaynayeen oo lagu magacaabo Macy's Backstage oo kutaala Columbus, kaddib markii ay soo rogtay siyaasad cusub oo ay sheegeen inay ka dhigan tahay takoor diimeed.

Shaqaalaha Muslimiinta ah ayaa u sheegay The Dispatch inay jimcihii ka baxeen shaqada, sababtoo ah isbeddel ku yimid wakhtiga nasashada. Markii hore, waxaa la siin jiray waqti ay ku tukadaan saddex jeer saacaddiiba iyada oo aan la isticmaalin wakhtiga nasashada.

"Waxay la macno tahay, ama in aad wax cuntid (ama) in aad tukatid, marka tani waa nagu adag tahay," ayay tiri Fartuun Maxamed, oo ka mid ah shaqaalaha Soomaalioyeed ee mudaaharaadayay.

"Waxaan dareemeynaa ixtiraam darro," ayay tiri Zamzam Ali, oo ah shaqaale kale oo Jimcihii ka soo baxday xarunta Rickenbacker Parkway.

Inta badan shaqaalaha gadoodka sameeyay ayaa ah haween, waxaana qaar badan oo kamid ah ay kasoo jeedaan bulshada Soomaaliyeed, iyadoo ay wehliyaan kooxaha kale ee Bariga iyo Galbeedka Afrika.

Farhia Cabdalle, oo ka mid ah shaqaalaha gadoodka sameeyay, ayaa sheegtay in maamulku uu horey ugu oggolaaday Muslimiinta inay ku tukadaan shan ilaa toddobo daqiiqo salaad kasta- iyada oo aan laga jarin wakhtiga nasashada.

Bishii Sebtembar, xaruntu ayaa waxay ku dhawaaqday siyaasad cusub oo bilaaban doonta Oktoobar. laakiin ma dhegaysan jawaab celinta shaqaalaha ka soo horjeeda siyaasadan.

Shaqaaluhu waxay  sidoo kale sheegeen inay ka soo horjeesteen hab-dhaqannada maamulka Backstage. Tusaale ahaan, maamulka ayaa dhawaan ku rakibay kamarad qolka ay ku tukanayeen oo aanay ka warqabin shaqaaluhu.

"Waxaan ahay Muslim - waxaa jirta sabab aan madaxayga u daboolo. Haddii aan ogaan lahaa in ay jirto kamarad maan qaawin madaxayga," ayay tidhi, iyada oo raacisay in ay ka ashtakoontay shaqaalaha wakhtigaas.