7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 7 , 2023
Raysal wasaare Xamse oo digniin u diray dadka degen dhulka webiyada uu maro
 

Sabti, October, 7, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta uga digay dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa degen dhulka ku teedsadan webiyada, waxyeelada  ka dhalan karta Roobab faro badan oo uu sheegay inay kusoo wajahan yihiin.

Raysal wasaaraha ayaa hadalkan sheegay kaddib markii uu maanta kormeeray hay’adda maaraynta masiiooyinka oo wadda u kuurgalka xaaladihii ugu dambeeyay ee duufaanta Elnino.

Raysal wasaaruhu wuxuu sheegay, in dadka looga baahan yahay inay si dhab ah u qaataan farriimaha digniinta ah.

Xamse Cabdi Barre wuxuu sheegay dowladdu inay ku dadaalayso inay ka diyaar garowdo inta aysan dhicin musiibadu. Wuxuu sheegay cabsi hadda jirta in ay tahay roobab aad u faro badan, kuwaas oo ay ka dhalan karaan daadad waxyeello weyn geysan kara.

Wuxuu raysal wasaaruhu  sheegay in ay ogaadeen in aanay jirin duufaantii laga cabsi qabay, isagoo sheegay in cabsi ugu badan ay ka jirto dhulka labada webi uu maro, halkaas oo ay dhufan karaan daadad xooggan oo sababi kara fatahaad.

Raysal wasaaruhu wuxuu dadka degen labada webi ugu baaqay inay galaan feejignaan, lana socdaan isbeddel walba oo ku dhaca webiyada agtooda mara.