7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 7 , 2023
Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Macawiisleeyda oo lagu dilay magaalada Baledweyne

Sabti, October, 7, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad kooban oo Xalay magaalada Baledweyne ku dhexmaray askar ka tirsan ciidanka Macawiisleeyda iyo ciidamo ka tirsan kuwa amaanka degmada Baledweyne.

Iska hor imaadka ayaa ka dhacay barkoontarool oo ku taala agagaarka buundada labaad ee xaafada Xaawa taako ee magaalada Baledweyne, waxaana iska hor imaadkaas kooban ku dhintay sarkaal ka tirsana ciidanka Macawiisleeyda.

Sarkaalka Macawiisleeyda ee iska hor imaadka ku dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Cumar Sheekh Cabdullaahi Cabdi Xaad oo ahaa shaqsi si weyn looga garanaayay Baledweyne, waxaana dilka kadib barta koontarool la wareegay ciidanka deegaanka.

Amaanka guud ee Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa aad u xumaa maalmahii lasoo dhaafay, waxaana magaalada gudaheeda iyo duleedkeedaba ka dhacay dilal loo geystay dad shacab ahaa, hayeeshee aan ilaa hada cidna loo soo qaban dilalkaas.