7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 7 , 2023
Midowga Afrika oo taageeray in saddex bilood la hakiyo bixitaanka 3,000 askari oo ATMIS ah
 

Sabti, October, 7, 2023 (HOL) - Midowga Afrika ayaa taageeray codsigii dowladda Soomaaliya u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo ahaa in muddo saddex bilood ah la hakiyo bixitaanka ciidamada ATMIS.

War-murtiyeed uu soo saaray Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika, ayaa wuxuu ku sheegay inuu si xooggan u taageersan yahay codsiga ku aadan in la hakiyo dhimista 3,000 askari oo ka mid ah ciidamadooda ku labisan dareeska ATMIS..

Lama oga in la tixgalindoono codsiga Midowga Afrika, iyadoo la ogsoon yahay in golaha ammaanka Qaramada Midoobay uu muddo hal bil ah dib u dhigay bixitaanka 3000 askari oo katirsan howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS.

Golaha Midowga Afrika ayaa sidoo kale soo dhaweeyay ballan-qaadka dalalka ay ciidamada ka joogaan Kenya, Itoobiya, Burundi, Jabuuti, iyo Uganda ee ah inay la shaqeeyaan Soomaaliya iyo saaxiibada kale, si loo helo taageero maaliyadeed oo looga baahan yahay xilliga kala guurka.

Midowga Afrika iyo xubnaha kale ee beesha caalamka ayaa laga sugayaa  inay bixiyaan taageerada dhaqaale ee lagama maarmaanka ah si loo maalgeliyo howlgalka ATMIS, sida uu sheegay Cabdirisaaq Aadan, agaasimaha fulinta xarunta Cilmi-baarista iyo Siyaasadda ee Farsight Africa, oo xarunteedu tahay Muqdisho.

Wajigii labaad ee dhimista ciidamada Midowga Afrika ayaa ujeedkiisu ahaa in Soomaaliya laga saaro 3,000 oo askari oo nabad ilaalin ah, iyadoo howlgalka uu horay u soo saaray in ka badan 2,000 oo askari.