7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 5 , 2023
Mucaaradka Koonfur Galbeed oo ka hadlay baaqashada safar ay maanta ku tagi lahayeen Baydhabo
 

Khamiis, October, 5, 2023 (HOL) - Xubnaha mucaaradka ah ee u sharaxan xilka madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sharaxaad waxay ka bixiyeen sababaha keenay iney ka baaqdaan safar lagu waday in maanta ku tagaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Xubnahaan Mucaaradka ah oo mudooyinkii dambe magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho ka waday olole ay ku doonayaan in doorashada Koonfur Galbeed wakhtigii horey loogu heshiiyay ay ku dhacdo ayaa waxay sheegeen in safarkoodii maanta uu u baaqday codsi kaga yimid madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiyahii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa warbaahinta u sheegay in codsi kaga yimid madaxweyne Xasan sheekh ay uga baaqdeen safarkii ay maanta ku tagi lahayeen Baydhabo.

"Waxaan u baaqnay codsi nooga yimid madaxweyne Xasan oo la xariira kulamo wadatashi oo uu codsaday madaxwynaha inaan Dhuusamareeb kula yeelano, marka Dhuusamarewb ayaan tageyna, kadibna waan tageyna Baydhabo oo qorshaheenii waa sidiisa wax iska badalay malahan" ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Mursal oo ka mid ah xubnaha  Mucaaradka maamulka Koonfur Galbeed.

Xubnahaan mucaaradka ah ayaa isugu jira guddoomiyaashii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale oo caan ah oo kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa dhamaantood u sharaxan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo doonaya doorasho waqtigeeda ku dhacda.