7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 5 , 2023
Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo amar duldhigay shirkadaha dhoofiya biraha duuga ah

Khamiis, October, 5, 2023 (HOL) - Xafiiska Hantidhowrka guud ee dowladda fedaraalka Soomaaliya ayaa soo saaray amar ku socda shirkado kala duwan oo ku howlan dhoofinta biraha duuga ah.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Hantidhowrka ayaa lagu wargeliyay shirkadaha ku hawlan dhoofinta, qodista iyo buruburinta agabka warshadaha dalka iney si deg deg ah u joojiyaan.

Qoraalka uu soo saaray Hantidhowrka guud ee dalka ayaa lagu faray guud ahaan shirkadaha dhoofiya biraha duugga ah ineysan marna fasax u haysan qaadashada iyo dhoofinta qalabka yaal xarumaha warshadahii hore ee dalka iyo agabka ku jira dhulka hoostiisa.

Hoos ka akhriso qoraalka Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo dhameystiran:-