7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 5 , 2023
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 100 Shabaab ah lagu dilay dagaalkii shalay ka dhacay Mudug
 

Khamiis, October, 5, 2023 (HOL) - Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in 100 xubnood oo katirsan kooxda Alshabaab lagu dilay dagaaladii shalay ka dhacay koonfurta gobolka Mudug.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in jab xooggan Alshabaab lagu gaarsiiyay dagaaladii shalay dhacay, isagoo sheegay in firxadkoodii ay u carareen howdka degaanka Shabeelow.

Wasiirka waxa uu sheegay in sidoo kale la bururiyay farriisimo howdka kuyaala, oo Alshabaab ay ku dhuumaalaysan jireen.

Wuxuu sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay burburiyeen hub iyo saanad militari. Wuxuu sheegay  ciidamadu inay haatan ku jiraan howlgalladii ugu dambeeyay ee Shabaab looga ciribtirayo gobolka Mudug.

Dhinaca kale, wasiirka warfaafintu wuxuu sheegay in howlgal kale uu ka socda howdka degmada Mahadaay, halkaas oo uu sheegay inay 10 maalmood ku go’doonsan yihiin horjoogayaal iyo ciidamo kale oo  katirsan Alshabaab.

Wasiirka wuxuu sheegay inta badan in la laayay horjoogayaashii Shabaab ee howdkaas ka dhuumanayay. sidoo kale wuxuu sheegay in 19 horjooge lagu qaarijiyay howlgallada haatan ka socda Galmudug iyo Hirshabeelle.

Wuxuu sheegay in dhaawac la gaarsiiyay hogjoogihii ugu sareeyay jabhadaha Shabaabka ku sugan, kaasoo lagu magacaabo Khaliif Gaambi. Sidoo kale wasiirku wuxuu sheegay in la qaarijiyay horjoogihii Shabaab ee Shabeellada hoose iyo mid kamid ah oday dhaqameedyada kooxda Shabaab la shaqeyn jiray.