7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 5 , 2023
Faahfaahino kasoo baxaya dagaalo khasaaro badan geystay oo ka dhacay Koonfurta gobolka Mudug

Khamiis, October, 5, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo galinkii dambe ee shalay ku dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo dhinac ah iyo kuwa Ururka Al-shabaab inta u dhaxeysa deegaanada Shabeelow iyo Wisil ee Koonfurta gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa lasoo wariyay inuu geystay khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh, kaasoo bilaawday kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar jid gal ah ku qaaday kolonyo ay la socdeen saraakiil iyo ciidamo kuwa deegaanka ah oo aaday goob taag ah, si ay u helaan anteenada khad telefoon oo ay ku hadlaan.

Dhinacyada ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaana halkaas ku dhexmaray dagaal waqti dheer qaatay, iyadoo markii dambe ciidamo ka tirsan dowladda oo gurmad u ahaa saraakiisha iyo ciidamada deegaanka uu iyana dagaal kale ku qabsaday wadada, taasi oo keentay inuu kordho khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Ila wareedyo codsaday inaan magacyadooda la adeegsan ayaa VOA-da u sheegay in dagaalka ay ku dhibteen 30 ka mid ah ciidamada oo isugu jira saraakiil iyo ciidanka deegaanka ee loo yaqaano macawiisleeyda.

Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha dagaaladaasi qaraar ku geeriyooday ay ka mid yihiin Korneyl Calinaasir Cabdi Faarax oo ka tirsanaa Saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo Xoghayihii dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo ee qaybta Galmudug, Cabdiqani Maxamuud Axmed oo loo yaqiinay Afyare.

Kooxda Al-shabaab oo dagaaladaasi ka hadashay waxay sheegatay in ku dishay 58 ka mid ah ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka, hayeeshee majirto war madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada kooxda.

Wararkii ugu dambeeyay ee deegaanada Koonfurta gobolka Mudug ka imaanaya ayaa sheegaya in saakay halkaasi diyaarado dagaal ay duqeymo culus la beegsadeen goobo ay ku dhuumaleysanayeen kooxda shabaab, hayeeshe wali lama oga khasaaraha ka dhashay duqeymahaas.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.