7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 4 , 2023
Xafiiska Maareynta Masiibooyinka ee degaanka Soomaalida oo ka hadlay fatahaadaha kusoo wajahan degaanka
 

Arbaco, October, 4, 2023 (HOL) - Xafiiska Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad degaanka Soomaalida oo war kasoo saaray xaaladaha duufaannada iyo roobab mahiigaan ah oo la sheegay inay dhawaan ka da'ayaan degaannada Soomaalida ayaa sheegay inay digniino hordhac ah gaadhsiiyeen dadka deggan goobaha laga yaabo inay duufaannadani ka dhacaan.

Wasiir kuxigeenka Xafiiska Maareynta Masiibooyinka Dowlad degaanka Soomaalida Bashiir Xuseen Cilmi waxa uu Warbaahinta la wadaagay in diyaar garow badan laga sameeyay fatahaadahaas iyo roobabka degaanka kusoo wajahan, isagoo dhinaca kale xusay in wacyigalin iyo digniino la gaarsiiyay dhammaan dadka deggan wabiyada iyo meelaha biyo mareennada ah ee la filayo inay ka dhici karaan fatahaaduhu.

Dhinaca kale waxa uu Wasiir ku xigeenku sheegay in fatahaaduhu ay ka dhacayaan ama ka billaabmayaan goobaha xiga dhanka Wabiga Shabeelle sida Waangaay, Cayuun, labada Iimay  Abaa qarow, Beer caano, Godey, ilaa Feerfeer. Sidoo kale Wabiyada jiinkooda sida Wabiga Weeb, Jannaale iyo Daawa. iyo waliba goob walba oo biyo mareen noqon karta.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Xafiisku iyo cid walba oo ay khusayso arrimaha ka imaan kara roobashan waawayn ee kusoo wajahan degaanka Soonaalida, waxay waday dadaallo xooggan oo lagaga hortagayo saamaynta ka dhalan karta roobashaas oo sida la sheegayo fatahaado waaweyn keeni karta, iyadoo dhanka shacabkana digniino lagaarsiiyay ah inay ka fogaadaan goobaha ka ag dhow Wabiyada iyo biyo mareennada ay ka dhalan karto fatahaaduhu xilliyada ay da'aan roobashaa kusoo wajahan degaanka Soomaalida.