7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 4 , 2023
Howlgal lagu dilay horjooge iyo maleshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay Shabeellaha Hoose
 

Arbaco, October, 4, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa saaxiibada Caalamiga ah ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay horjooge ka tirsan kooxda shabaab iyo maleeshiyaad la socday ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada iskaashanaya ay Howlgalka ku dileen horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa dabagalka ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo labo maleeshiyo oo la socotay iyo xubin kale oo ay u adeegsan jireen kooxda soo uruurinta lacagaha baada ah oo ay ugu yeeraan sakawaadka

Howlgalkaan ayaa ka dhacay inta  dhaxeysa deegaanada Mubaarak iyo Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan agagaarka tuulada Raydableey, waxaana Horjoogaha howlgalka lagu dlay magaciisa lagu sheegay Faarax Yare.

Waxaa sidoo kale howlgalkaasi ciidamada is garabsanaya ay ku dileen Maxamuud Xasan Kadiye oo loo yaqiinay Biriq, kaasoo la sheegay inuu ahaa oday dhaqan beenaad Al-shabaab u qaabilsanaa soo uruurinta lacagaha iyo dacwooyinka qabiilka, si gaar ahna ugu xil saarnaa deegaanada Ceelasha Biyaha ilaa Ugunji.

"Khawaarijta ayaa Oday beenaadkan hore ugu abaalmarisay Qori iyo Gaari Toyota Probox ah, waxaana xilliga uu hawlgalku dhacayay uu halkaas u joogay inuu Khawaarijta u geeyo Qori iyo Boosh ay madax furasho ahaan ugu xukumeen muwaadin Soomaaliyeed oo ay gaari xoog kaga heysteen" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada Caalamiga ah ay howlgalo culus ka wadaan dhulka howdka ah ee ku dhaw degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha Dhexe, halkaas oo in kabadan toban maalmood ay ku go’doonsan yihiin maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan kooxda Al-shabaab.