7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 4 , 2023
Dowlada Sacuudiga oo joojisay dhoofka xoolaha Somaliland

Arbaco, October, 4, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in dowlada Sacuudi Carabiya ay joojisay xoolihii Somaliland ee u dhoofi jiray dalkeeda.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed, oo waraysi siiyay muuqbaahiyaha HCTV, ayaa sheegay in amar kasoo baxay Jidda ay xooluhu ku istaageen.

"Hakadku xaga Jidda ayuu ka yimid, xooluhu dalal badan ayay u dhoofaan, dalalkaas oo dhan way u furanyihiin, wayna hagaagaysa inshallah, mana raagayso" ayuu yidhi Wasiir Sulub.

Wasiirka oo ka warbixiyay sababta loo joojiyay dhoofka xoolaha Somaliland, ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay gacan ku leedahay joojintooda, lakiin uu ka howlgali doono xal u helisteeda.

Xoolaha ayaa ah mid kamid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan ee ay dadka reer Somaliland dakhliga ka helaan, iyadoo sannadkan uu iibkoodu aad u fiicnaa isla markaana malaayiin neef ay ka dhoofeen dekedda Berbera.

Dowlada Sacuudiga ayaa marar kala duwan joojisay dhoofka xoolaha Somaliland, isla markaana xukuumada Somaliland ayaa dowlada Soomaaliya marar dhowr ah ku eedaysay in ay lug ku lahayd istaaga dhoofka xoolaha.