7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 4 , 2023
ATMIS oo shaaca ka qaaday in lasoo afjaray howlgalkii ka socday deegaanka Cali Fooldheere
 

Arbaco, October, 4, 2023 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay taliska ciidamada ATMIS ayaa lagu shaaciyay in ciidamada Burundi iyo Uganda oo kaashanaya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka iney si wadajir ah ula wareegeen deegaanka Cali fooldheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhulka keymaha leh ee deegaanka Cali Fooldheere ku teedsan ayaa mudo dhowr maalmood ah waxaa ka socday dagaalo u dhaxeeyay ciidanka dowladda, kuwa dadka deegaanka iyo kooxda Al-shabaab, kaasoo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray labada dhinac.

Warsaxafadeedka kasoo baxay Taliska ATMIS lagu sheegay in la soo afjaray xubnihii Al-Shabaab ee ku sugnaa dhulka keymaha ah, islamarkaana khasaare culus la gaarsiiyay.

“Kaymaha Cali Fooldheere waxay si gaar ah sanadihii la soo dhaafay u noqdeen goob istaraatiiji ah oo ay argagixisadu ku qorsheeyaan weeraro lagu hoobto, kuna qariyaan hubka ay ka mid yihiin baabuurta loo adeegsado walxaha qarxa" ayu yiri taliyaha ciidamada ATMIS Sareeye Guuto Sam Okiding.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyay ciidamada isku dhafka ah ee ku guuleystay weerarka lagu soo afjaray howlgalkii ka socday keymaha deegaanka Cali Fooldheere.

“Waxaan bogaadinayaa dadaalka geesinimada leh ee ay ciidamadeenna ATMIS, iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed ugu jiraan wiiqista Al-Shabaab. ATMIS waxaa si buuxda uga go’an fulinta Qorshaha kala guurka Soomaaliya kaas oo ku dhamaan doona in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo ciidamada amniga Soomaaliya” ayuu yiri Danjire Mohamed El-Amine Souef.

Warkaan kasoo baxay taliska ATMIS ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dagaal qaatay mudo hal todobaad ka badan uu ka socday dhulka keymaha ah ee deegaanka Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo haatan si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa dadka deegaanka.