7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 4 , 2023
Cismaan Taar-dhuleed: Labo bilood kadib dagaal Alshabaab, Dhusamareeb baa difaac looga jiraa

Arbaco, October, 4, 2023 (HOL) - Wasiirkii hore ee amniga maamulka Galmudug, Cismaan Ciise Nuur Taar-dhuleed ayaa shaagay madaxweyne Xasan Sheikh safarka uu ku joogo magaalada Dhuusmareeb in uusan guulaysan.

Cismaan Taar dhuleed ayaa sheegay, dagaalkii ka dhanka ahaa Shabaab ee socday labadii ee ugu dambeysay in uu kusoo ururay in difaac laga xirto magaalada Dhuusomareeb. wuxuu u sababeeyay in aan daacad laga ahayn dagaalka.

Wasiirkii hore ee amniga Galmudug waxa uu aaminsan yahay dadka uu madaxweyne Xasan Sheikh u xilsaaray dagaalka Alshabaab in aanay sidii la rabay wax u wadin. Wuxuu tilmaamay labo bilood kaddib in ay muuqato in ummadda Soomaaliyeed iyo madaxweynuhuba aysan ku qanacsanayn sida ay wax u socdaan.

"2-bilood kadib dagaal Alshabaab, Dhusamareeb baa difaac looga jiraa, safarkii Madaxweynaha wuu Fashilmay,” ayuu yiri wasiir hore Taar-dhuleed.

Taar-dhuleed wuxuu sheegay habac sanaanta ugu weyn in ay ka dhex jirto ciidamada dowladda, isagoo si gaar ah ugu eedeeyay saraakiisha madaxweynuhu u magacaabay ciidanka xoogga dalka. Wuxuu sheegay ciidanku in aanay hayn niyad ay ku dagaalamaan.