7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 4 , 2023
Wasiir Juxa: Labada doorasho ee Boosaaso ka kala dhacay waa sharci darro waxbana kama jiraan

Arbaco, October, 4, 2023 (HOL) - Labo maamul oo iskasoo horjeeda ayaa lagu kala doortay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, arrintaas oo muujinaysa khilaafka siyaasadeed ee ka taagan arrimaha doorashooyinka Puntland.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faaax Siciid Juxa ayaa ka hor yimid labada doorasho ee lagu kala doortay guddoomiyaha iyo ku xigeenka Boosaaso, halka wasiir udowlaha wasaaraddiisa uu maamulayay doorashadii lagu qabtay Boosaaso.

"Boosaaso gole deegaan kama dhismin, guddoona lagama dooran, labada doorasho ee dhacay midna ma waafaqsana habraacii aan dejiney, waxa rasmiga ah ee aan sheegayaa Boosaaso gole deegaan kama dhismin, meesha halkaa laga aadayana wadatashi baan ka gelaynaa go'aan kale baan ka qaadanaynaa," ayuu yiri wasiir Juxa.

Wasiir Juxa wuxuu sheegay in doorashada golaha degaanka Bosaaso lagu geli karo marka ay la fariisiyo ugu yaraan 22 xubnood oo golaha degaanka ah. Wuxuu sheegay labadii doorasho ee shalay dhacay in lagu kala galay 16 xubnood iyo 16 xubnood.

Xisbiyada mucaaradka ayaa madaxweyne Deni ku eedeeyay inuu boobayo degmooyinka looga codadka batay xibsigiisa Kaah, iyagoo sheegay in wax laga beddelay xeerarkii doorashada golayaasha degaanka.