7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 31, 2023
Somaliland oo qabqabatay dad looga shakisanyahay in ay yihiin argagixiso
 

Talaado, October, 31, 2023 (HOL) - Hay'adda Sirdoonka Somaliland ee NIA, ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay koox ka kooban toban nin oo looga shakiyay argagixiso.

Ragan oo kasoo kala jeeda waddamo kala duwan, ayaa dhamaantood sitay baasboorka dalka Marooko, oo ay ku safrayeen, iyaga oo dhamaan tood haysta dhalashada dalka Marooko, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay NIA.

"Hay’adda sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa magaalada Hargaysa ku qabtey koox ka kooban toban nin oo looga shakisanyahay inay xidhiidh la leeyihiin ururo argagixiso, raggan ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalalka Suuriya, Pakistaan, iyo Marooko, waxayna dhammaantood haystaan dhalashada dalka Marooko".

Raggan ayay hay'addu baahisay sawiradooda iyo baasbooradooda, lakiin faah faahin kamay bixin waxa ay damacsanaayeen, iyo kalka ay u socdeen midna.

Booliiska Somaliland ayaa dhawaan isaguna sheegay in ay gacanta ku dhigeen kooxo ay uga shakiyeen argagixiso, oo magaalada Hargaysa ku sugnaa.