7/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 31, 2023
Somaliland oo ka digtay in lagu daro goobaha uu ka hawlgalo hawlgalka ATMIS ee nabad ilaalinta Soomaaliya
 

Talaado, October, 31, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga digtay in lagu sheego in ay kamid tahay goobaha uu ka hawlgalo Halwgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

"Somaliland way kasoo horjeedaa qoraal kasta oo kasoo baxa Golaha Ammaanka, oo sheegaya in Somaliland ay kamid tahay goobaha loogu talogalay hawlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya (ATMIS), Somaliland waa waddan madaxbannaan, kamana mid aha" ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland.

Waxa lagu yidhi qoraalka in Somaliland ay marar kala duwan ka hadashay go'aankeeda hawlgalka, lakiin ay markale ku celinayso kadib qaraar hawlgalka lagu balaadhinayo oo Golaha Ammaanku uu wado, kaasi oo laga yaabo in Somaliland lagu sheego goobaha uu hawlgalku ka hawlgalo.

Waxa lagu sheegay in AMISOM iyo ATMIS labaduba ay yihiin hawlgalo nabad ilaalin oo 2007 Soomaaliya loo keenay si ay dowlada uga caawiyaan la dagaalanka Al Shabaab iyo ururada kale ee argagixisada ah.

"Sida ku cad hawlgalkii xaqiiqo raadinta ahaa ee 2005 uu Midowga Afrika ka sameeyay Somaliland, Somaliland waa waddan leh astaamaha qaran casri ah, sidaa darteed Somaliland waligeedba kama mid ahayn qorshaha Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya"

Somaliland waxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka codsatay in ay wax ka badal ku sameeyaan qaraarka Somaliland ka dhigaya meelaha hawlgalku uu ka shaqeeyo, isla markaana la ixtiraamo madaxbannaanida Somaliland.