7/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 31, 2023
Isimada dhaqanka SSC Khaatumo oo sheegay in Somaliland ay duulaan qaban qaabinayso

Talaado, October, 31, 2023 (HOL) - Qaar kamid ah Ismida Dhaqanka SSC Khaatumo, oo safar ku jooga magaalada Buuhoodle, ayaa ka digay dulaan ay sheegeen in Somaliland rabto in ay markale ku qaado Sool.

Isimada oo si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Buuhoodle, ayaa sheegay in ay iyagu nabad u socdaan, iyaga oo sheegay in ay magaalada u yimaadeen si ay bulshada ugala tashadaan xaalad adag oo ay sheegeen in ay wajahayaan.

"15 isin ayaanu ku maraynaa, waxa halkaa ka cad oo muuqata, maanta in aynu talo iskugu nimid, talada aan cidi ka maqnayn, oo ragii goyn jirayna ay joogaan, waxaanu idiinku nimid, xaalada adag ee labaad ee aynu galnay in aynu ka tashano" Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, ayaa sida yidhi.

Waxay ka digeen weerar ay sheegeen in ay soo wado Somaliland, iyaga oo sheegay in ay isdifaaci doonaan, lakiin anay iyagu weerar qaadi doonin, waxa kale oo ay madaxda Somaliland ku eedeeyeen in ay rabaan in ay dagaalka u badalaan mid qabiil.

"Inaadeerow waxaanu ku leenahay gurigaagu haku qaado, oo inaadeerow dadka haysku dilin, oo hana soo weerarin, dadkayagana waxaanu leenahay ilaa laydin weeraro deegaankiina ku sugnaada" Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe ayaa sida yidhi.

Goobo aan ka fogayn magaalada Buuhoodle, ayay dhawaan ku dagaalameen laba beelood oo deegaanka wada daga, isla markaana Somaliland ayaa marar kala duwan sheegtay in ay gobolka dib u weerarayso.