7/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 31, 2023
Odayaasha Awdal iyo Selal oo diiday heshiiskii lagu xaliyay khalaafkii doorashooyinka Somaliland
 

Talaado, October, 31, 2023 (HOL) - Odayaasha dhaqanka ee gobolada galbeedka Somaliland, ayaa sheegay in deegaanadooda anay doorasho ka dhici doonin, hadii anan ururada loo ogolaan in ay ka qaybgalaan doorashada madaxtooyada.

Odayaasha oo kasoo horjeedsaday go'aankii odayaasha dhaqanka bariga Burco ay xalka kaga gaadheen khilaafkii doorashooyinka, ayaa sheegay in ay rabaan in gobolada galbeedku ay yeeshaan xisbi.

"Anagu gobolka ayaanu u danaynaynaa, in aanu xisbi helno ayaanu doonayna, kurisiga Ilahaybaa dadka siiya madaxweynaha, Ilahay ayaanu ka sugaynaa kaa, lakiin xisbinimada ayaanu doonaynaa anagu, in aanu helno xisbi".

Waxa ay sheegeen in beel kamid ah beelaha Somaliland oo diiday nidaamkii doorashada, loo jabiyay sharcigii, isla markaana doorashadii ururada ee soo horaysay iyaga darteed dib loogu dhigay taasi oo ay ku tilmaameen sharci daro.

Waxa ay gabi ahaanba kasoo horjeedsadeen go'aamadii lagu dhameeyay khilaafkii doorashada "Go'aanadii ay beeshaasi soo saartay ayaa baarlamaanka la horgeeyay oo la yidhi hala hirgaliyo, waxaanu aqbali karno maaha, hadaanunahay Gabilay, Awdal iyo Salal".

Waxa ay sheegeen in ay rabaan in dastuurka iyo sharciga dib loogu noqdo, oo khilaafka isaga lagu xaliyo, iyaga oo beel gaar ah ku eedeeyay in ay isku koobtay taladii Somaliland.

Odayaashan ayaa taageersan Guddoomiyaha Ururka Hilaac Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah ururo kasoo horjeedsaday isasaarka doorashooyinka Somaliland.