7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 31, 2023
Raysal wasaare Xamse "Dowlad aan Dastuurkeedu dhammeystirneyn ma noqon karto dowlad buuxda"
 

Talaado, October, 31, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dalka uu u baahan yahay dhameystirka Dastuurka, si dowladda ay u noqoto dowlad buuxda.

Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay inta uu qeybyada yahay Dastuurka dalka ineysan dhameystirnen nidaamka dowladnimada saxda ah, islamarkaana loo baahan yahay in la dhameystiro Dastuurka dalka.

"Dowlad aan Dastuurkeedu dhammeystirneyn dowlad ma noqon karto, waxaan u baahanahay inaan dhammeystirno Dastuurka, si aanu u noqono dowlad buuxda”ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Hadalkaan ayuu ka sheegay Raysal wasaaraha maruu ka hadlaayay maanta shir ku saabsan kaalinta muhiimka ah oo ay ku leeyihiin Culimada Soomaaliyeed nabadda iyo dib u heshiisiinta oo uu maanta ka furay magaalada Muqdisho, isagoona Culimada Soomaaliyeed ka dalbaday iney ka qayb qaataan sidii loo dhamaystiri lahaa Dastuurka dalka.

Si kastaba ha ahaatee dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe dadaal dheeraad ah ku bixineysay sidii ay qeybyada uga saari laheyd Dastuurka dalka.