7/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 31, 2023
Raysal Wasaare Xamse oo furay shir ku saabsan doorka culimadu ku leeyihiin ciribtirka xagjirnimada
 

Talaado, October, 31, 2023 (HOL) - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shir looga hadlayo doorka Culimadu ay ku leeyihiin taaba-gelinta nabadda iyo dib-u-heshisiinta.

Raysal wasaaruhu wuxuu sheegay in culimadu ay laf dhabar u yihiin baraarujinta bulshada iyo ciribtirka afkaarta qalafsan ee xagjirnimada.

Xamse wuxuu carrabka ku adkeeyay in dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya looga gudbi karo, wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan shacabka, culimada, indheer-garadka iyo dowladda.

Si gaar ah, raysal wasaaruhu wuxuuu ugu baaqay culimadu in ay doorkooda ka qaataan dib-u-heshiisiinta, xasillinta, dowlad-dhiska iyo dhammeystirka dastuurka kumeel gaarka ah.

Xamse wuxuu tilmaamay, dowladdu inay ku guulaysatay dhinaca la dagaalanka xagjirnimada. Wuxuu sheegay in argagixisada (Shabaab) laga wiiqay dhowr jiho oo ay kamid yihiin dhinacyada ciidanka, dhaqaalaha iyo fikirba.

Wuxuu sheegay dadaaladaas dowladdu sameysay inay horseedeen in deegaanno iyo dhul ballaaran ay maanta  xor ka yihiin Shabaabka gacantooda.