7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 31, 2023
Wasiir Fiqi: Puntland qeyb kama ahaan doonto nidaamka doorasho ee golaha wadatashigu ku heshiiyay
 

Talaado, October, 31, 2023 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay, dowladda federalku in aysan Puntland ku khasbi doonin in ay qeyb ka ahaato nidaamka doorasho ee golaha wadatashiga qaran uu isku raacay.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi waxa uu caddeeyay, Puntland in ay dibadda ka joogi doonto nidaamkaan doorasho ee dowladdiisu qaadatay, wuxuuna sheegay in laga fulindoono afarta dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir.

“Afar dowlad goboleed iyo Banaadir ayaa ku midoobay doorashadan, Puntland na waxaan rajeynaynaa inay mustaqbalka dhow qeyb ka noqon doonto haddii alle idmo,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka arrimaha guduhu wuxuu tilmaamay diidmada Puntland in aysan hor istaagi doonin dhaqan galinta doorashada lagu heshiiyay.

Wuxuu sheegay Puntland, in shan sano kadib u furan tahay inay kasoo qeyb galaan doorashadan

Si kastaba ha ahaatee, Puntland ayaa sheegtay in aysan qeyb ka ahaan doonin nidaamka doorasho ee ay ku heshiiyeen golaha wadatashiga qaran.

Waxay ku tilmaamtay nidaam ka hor imaanaya awood qeybsiga siyaasadeed ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ku adkaysanaya in dalka uu yeesho labo xisbi qaran, sidoo kalena meesha laga saaro raysal wasaaraha oo lagu bedelo madaxweyne ku xigeenka.

Siyaasiyiin iyo madaxdii hore ee dalka ayaa sidoo kale mucaaradsan qorshahan doorasho ee ay dowladdu doonayso inuu baarlamaanku ansixiyo .