7/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 31, 2023
Qaramada Midoobay oo sheegtay in ka badan 278,000 qof in ay saameeyeen fatahaado ay sameeyeen webiyada dalka
 

Talaado, October, 31, 2023 (HOL) - Ugu yaraan afar qof ayaa ku geeriyooday in ka badan 278,000 oo kalena way saameeyeen roobab mahiigaan ah iyo fatahaado ay sameeyeen webiyada tan iyo markii ay bilowdeen roobabka xilliga Deyrta, sida uu sheegay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bini'aadantinimada (OCHA).

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa warbixinteedii ugu dambeysay ee fatahaadda ku sheegtay, in 43,840 qof ay ka barakaceen dhulkoodii, iyadoo badi laga diiwaan geliyay dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Si kastaba ha ahaatee, hay’addu waxay sheegtay in dadkani weli ay u nugul yihiin daadadka dambe haddii roobabku sii socdaan sida la saadaaliyay maadaama inta badan goobaha loo barokacay ay ku yaalaan dhul joog hoose ah.

Sida ay sheegtay OCHA, ugu yaraan 3 qof ayaa wali lagu la’yahay Baydhabo iyo Galmudug, 150 kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen degmada Luuq ee dowlad goboleedka Jubaland intii lagu guda jiray roobabkii lixaadka lahaa ee da’ay 22 Oct.

Hay'addu waxay sheegtay in la-hawlgalayaasha bini'aadantinimada, oo kaashanaya maamulada maxaliga ah ay bilaabeen jawaab-celin lagu beegsanayo dadka aadka u nugul, iyaga oo mudnaan siinaya kuwa barokiciyeen daadadku.