7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 25, 2023
Booliiska Somaliland oo qabtay khamri aad u tiro badan
 

Arbaco, October, 25, 2023 (HOL) - Booliiska Somaliland ayaa gacanta kusoo dhigay 888 litir oo khamri ah, kaasi oo si qarsoodi ah Somaliland looga soo galiyay dhinaca Itoobiya.

Taliyaha Ilaalada Cashuuraha Gaashaanle Sarre Cismaan Xaashi ayaa ka warbixiyay tirada khamriga ee ay soo qabteen, isaga oo sheegay in ciidanku ay raadinayaan ragii khamriga siday oo baxsaday.

"Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland garahaan qaybta ilaalada cashuuraha iyo la dagaalanka kootaro-baanka ayaa gacanta kusoo  dhigay 888 litir oo khamri ah iyo  gaadhigii lagu siday , waxaana ciidanku ku  raad-joogaan laba eedaysane oo watay khamriga" ayuu yidhi Xaashi.

Khamrigan oo ku jiray 37 kartoon, ayaa noqonaya khamrigii ugu badnaa ee uu ciidanka booliisku baryahan soo qabto, khamrigan ayaa ka yimid dalka Itoobiya oo kooxo abaabulani ay si tuugo ah uga keenaan.

Khamriga ayaa ah maandooriyaha ugu badan ee sifo sharci daro ah Somaliland kusoo gala, iyada oo marka uu soo galo qaybo kamid ah ay mararka qaar suuragasho in la qabto.