7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 25, 2023
Somaliland oo ka jawaabtay damaca Itoobiya ee Dekedda Saylac
 

Arbaco, October, 25, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in Itoobiya anay heli karin deked ay iyadu yeelato, lakiin kali ah ay maalgashan karto deked hadii ay diyaar u tahay.

Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Maxamuud Sacad Saajin, oo ka jawaabay damaca Itoobiya ee helitaanka deked ay leedahay, ayaa sheegay in Somaliland ay ogoshay hadii Itoobiya maalgashi rabto.

"Dakad waa la maalgashan karaa, Dekedda Berbera dad ayaa inala maalgashaday, deked marka lagula maalgashanayo shuruuc ayay leedahay heshiis ayaa la galaa, Somaliland deked in lala maalgashado waxba kama qabto, madaxweynuhuna wuu ka jawaabay in marka daruuri ay noqoto ta ku xigta ay noqoto" ayuu yidhi Saajin.

Saajin waxa uu sheegay in Itoobiya anay rabin deked ay maalgashato lakiin ay rabto dhul la siiyo oo ay deked ka dhisato taasina anay suuragal ahayn.

"Lakiin mid ayaad wali fahmi laadihiin deked la wada maalgashado Itoobiya kama hadlayso, waxay ka hadlaysa dhul la siiyo oo ay iyadu deked ka samaysato, mar hore ayaa Itoobiya Berbera loo bandhigay haday maalgashi rabto" ayuu yidhi Saajin.

Wasiirku waxa uu sheegay in waddana aanu waddan kale dhulkiisa siin karin, sidaa darteedna aanu suuragal ku ahayn damaca Itoobiya, lakiin sida kali ah ee Itoobiya ay deked ku heli karto ay tahay maalgashi.

Raysal Wasaaraha Itoobiye Abiye Axmed ayaa dhawaan sheegay in dalkiisu uu baadi goobayo deked ay Itoobiya yeelato, oo ay kaga nasato cashuurta kaga baxda dekeddaha kale ee jaarka.