7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 25, 2023
Ugu yaraan 4 qof oo ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay duleedka bari ee Hargaysa
 

Arbaco, October, 25, 2023 (HOL) - Shil baabuur oo sababay dhimashada ugu yaraan 4 qof, iyo dhaawaca dhawr kale, ayaa galabta ka dhacay wadada u dhaxaysa Hargaysa iyo Awbarkhadle.

Shilkan khasaaraha nafeed gaystay ayaa dhacay kadib markii baabuur nooca Mini Buska ah oo rakaab siday uu u qarxay mid kamid ah labada taayir ee danbe, sidaana uu baabuurkii ku dhacay.

"Baabuurku wuxuu siday 9 qof, 9kii qof 4 qof oo kamid ah ayaa geeriyooday, kuwaasi oo kala ah 3 nin iyo hal gabadh ah, waxan xaqiijin karaa in dirawalku uu dhawacyahay lakiin 5-ta qof ee kale ayaa iyagana halka laga qaaday" Goobjooge ayaa sida Horyaal TV u sheegay.

Dadka dhintay ayaa goobta laga qaaday, sidookale dadkii dhaawaca aha, ayaa isbitaalada loola cararay, iyado ay markiiba goobta soo gaadheen laamaha amaanku.

Shilalka baabuurta ayaa dad badan Somaliland ku dilay sannadkan 2023, iyada oo todobaadkan uun laba wiil oo baraha bulshada caan ka ahaa ay ku dhinteen shil ka dhacay Hargaysa.