7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 25, 2023
Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida oo Maanta xukun dil toogasho ah ku riday askari ka tirsan ciidanka dowladda

Arbaco, October, 25, 2023 (HOL) - Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku riday askari ka tirsana ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo  Maxamed Cabdixakiin Maxamed Ganeey, kaasoo lagu helay inuu dil kas ah u geystay saaxibkiis marxuum Ex Dable Xoogga dalka Cabdullaahi Maxamed Cabdiqaadir.

Askriga dilka geystay iyo marxuumka uu dilay ayaa ka wada tirsanaa Ururka 22-aad guutada 23-aad ee Gungaar, waxaana la sheegay in falka dilka ah uu ka dhacay aargada degmada Deyniile bishii 7-aad 20-keedii ee sanadkaan 2023-ka.

Dilka marxuumka ayaa yimid kadib markii isaga iyo eedeysanaha uu dhexmaray gacan ka hadal ka dhashay in laga hor istaago marxuumka inuu raaco gaari dowladeed oo ay labadooduba ka mid ahayeen unugta.

Hayeeshee marxuumka dhintay ayaa ku adkeystay in gaariga uu yahay gaari dowladeed uuna raacayo, iyadoo intaa kadib eedeysanaha oo ka jawaabaya taalaabadaas uu qori AK47 kala soo baxay shirka gaariga kadibna madaxa uu xabad kaga dhuftay marxuumka.

Garsooraha Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka Sida oo dhageystay dawacada dhinacyada ayaa 26-kii bishii lasoo dhaafay ee Septembar ku xukuntay Dable Maxamed Cabdixakiin Maxamed Ganeey dil toogasho ah oo ah qisaasta marxuum Ex Dable xoogga dalka Cabdullaahu Maxamed Cabdiqaadir.

Intaa kadib qareenadda u doodayay eedeysanaha dilka geystay ayaa 15-kii bishaan Oktoobar racfaan ka qaatay xukunka dilka ah ee lagu riday eedeysanaha, islamarkaana ay aqbashay Maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka sida racfaanka ay xukunka ka qaateen qareenada.

Ugu dambeyntii Maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta ku raacday xukunka dilka ahaa oo ay horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad ee ciidamadda Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Saalax Ganeey, sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida Jenaraal Liibaan Cali Yaroow oo xusay in Maxkamadda sare kiiskan waqti ku filan siisay.