7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 25, 2023
Deni: Isbeddelka cusub ee ku yimid degaanada SSC wuxuu caqabad ku noqon doonaa dhameystirka dastuurka

Arbaco, October, 25, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ayaa sheegay in loo baahan yahay in si taxadar leh looga fiirsado isbeddelka ku yimid SSC iyo saamaynta uu ku yeelanayo halka ay Puntland kaga jirto dhameystirka dastuurka Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa aaminsan in haddii aan xal joogto ah laga gaarin, ay caqabad ku noqon doonto geeddi socodka dhameystirka dastuurka dowladda federaalka. Wuxuuna yiri,” Dastuurka iyo Shuruucda dalku ma dhamaystirmayaan illaa SSC-Khaatumo iyo Somaliland xaalkooda la fiiriyo oo miiska lasoo fadhiisiyo.

Madaxweyne Deni wuxuu sheegay, Puntland in ay doonayso inay wax saxdo. Wuxuu sheegay in ay doonayaan in ay aragtidooda si sax ah u dhiibtaan, oo la helo dowlad dhamesytiran oo Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaam federaal ah.

Hadalkan ayuu madaxweyne Deni ka sheegay, kalfadhigga baarlamaanka Puntland, oo ahaa kalfadhiggii ugu dambeeyay ee muddo xileedka baarlamaanka maamulka Puntland.