7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 25, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta shir muhiim ah kaga qeybgalaya dalka Belgium
 

Arbaco, October, 25, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray Magaalada Brussels ee Caasimadda dalka Belgium.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa kaga qeybgalaya magaalada Brussels shir xasaasi ah oo u dhaxeeya Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya.

Shirkaan oo socon doona mudo laba cisho ah ayaa lagu wadaa inuu halkaasi ka jeediyo madaxweynaha Soomaaliya khudbad dhinacyo badan taabaneysa oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya mudnaanta u leh.

Waxaa sidoo kale madaxweynaha iyo wafdigiisa ay halkaasi kulamo duceedyo kulan qaadan doonaan madaxda kala duwan ee ka qeybgaleysa shirkaan muhiimka ah ee maanta ka furmaya magaalada Brussels.

Si kaataba ha ahaatee waxaa xusid mudan in dalal badan oo ka mid ah kuwa Midowga Yurub ay haatan dowladda Soomaaliya ka taageeraan dagaalka culus oo ay dowladu ku dooneyso iney kaga ciribtirto gudaha dalka kooxda Al-shabaab.