7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 25, 2023
Kenya oo faafisay magacyada 35 xubnood oo katirsan Alshabaab oo ay aad u baadi goobayso

Arbaco, October, 25, 2023 (HOL) - Dawladda Kenya ayaa waxay soo bandhigtay magacyada 35 xubnood oo katirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ku eedeysan inay ka dambeeyeen weerarro argagixiso oo ka dhacay gobolka xeebta ee Lamu.

Dowladda Kenaya ayaa ka codsatay dadweynaha reer Kenya inay si iskaa wax u qabso ah usoo gudbiyaan macluumaad horseedi kara in la soo qabto 35 ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ka dambeeyey weerarro argagixiso oo ka dhacay gobolka Lamu.

“Hoggaanka danbi baadhista (DCI) waxa ay ka codsanaysaa bulshada qaybaheeda kala duwan in ay si mutadawacnimo ah u helaan xogta horseedaysa in la soo xidho soddon iyo shan (35) eedaysane, kuwaas oo qayb ka ah shabakada Al-Shabaab, una qaabilsanaa qorshaynta iyo abaabulka weeraradii ka dhacay gobolka Lamu iyo deegaanka weyn ee Boni,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska booliiska la dagaalanka argigixisada Kenya.

Kenya ayaa ku amartay eedeysanayaasha inay si deg deg ah iskugu soo dhiibaan booliiska.

Waxay sidoo kale sheegtay inay abaalmarin siinayso ciddii la timaada xog horseedaysa in la soo xiro mid ka mid ah tuhmanayaasha.