7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 23, 2023
Guddoomiyahii Guddiga Fataahadaha magaalada Baledweyne oo is casilay
 

Isniin, October, 23, 2023 (HOL) - Guddoomiyahii guddiga Fatahaadaha magaalada Baledweyne Xaaji Cismaan Dhagaxoow ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilkaas.

Xaaji Cismaan Dhagaxoow ayaa sheegay in sababaha uu isku casilay ay qeyb ka tahay habacsanaan ka dhalatay howlahii biya xireenada Baledweyne oo faragalinteedu noqotay mid xad dhaaf ah.

"Maanta oo tiiriiqdu tahay 23-10-2023 waxaan dadka reer Hiiraan u sheegaya inaan iska casilay xilkii guddoomiyaha guddiga fatahaadaha Baledweyne, waxaana sido kale cadeynaya inaan si shaqsi ahaan ah aan ula shaqeyn doono cid walba oo hurumarka iyo danaha dadka reer Hiiraan ka shaqeyneyso" ayuu yiri Xaaji Cismaan Dhagaxoow.

Wuxuu tilmaamay in guddigooda ay wax badan ka qabteen howlaha biya xireenada, islamarkaana darbiyada xoogan oo ay ka hirgeliyeen qararka wabiga iyo deegaanada Qooqane iyo Hilikilyo ay yihiin kuwa tayo leh oo lagu badbaaday sadaxdii sano ee lasoo dhaafay.

"Anaga howshaan markaan bilaabeynay sanadkii laba jeer ama sadax jeer ayaa laga barakaci jiray biyaha wabiga, dhibaatas marka aragnay ayaa u istaagnay inan wax ka qabano Alle waa nagu guuley oo 3 sano xiriir ah wax biyo sooma bixin biyahii sanadkaan bilaawgiisa yimid waxay ahayen kuwa xaddhaaf ah oo la sheegay inan la arkin noocooda 100 kii sano ee lasoo dhaafay, taas ayaana keentay xadhaafka iney biyaha soo baxaan" ayuu yiri Xaaji Dhagaxow.

Wuxuu sheegay Xaaji Cismaan Dhagaxoow in guddigooda ka shaqeynta howlaha biya xireenada ay ugu dambeysay laba sano ka hor, islamarkaana qolyaha mudooyinkii dambe ku howlana biya xireenada faa'ido iyo khasaare waxii ka yimaada aysan aheyn mid guddigu uu ku lug leeyahay, isagoona sidoo kale ku baaqay in lala xisaabtamo dadkii haayay furamaha kanaalka dhagax jibis ee sababta u ahaa in daadad kusoo rogmadaan xaafado ka mid ah Baledweyne.

"Waxaa mudooyinkii dambe jiray hay'addo iyo NGO, qandaraaslayaal ka shaqeynayay howlaha biya xireenada oo aysan jirin cid ku koontarooleysa, marka waxaan cadeyneyna in guddiga uu howlahaas socda uusan shaqo ku laheyn dadkana waa iney ogaadaan, tan kale waa in isla xisaabtan la helo oo masuliyada wixii habeen hore Baledweyne ka dhacay ee daadka soo rogmaday kanaalka furahiisi dad iska qaataan masuuliyad daradaas waa in la iskula xisabtama oo dad badan ayaa saq dhexe guryahoodi ka qaxay" ayuu yiri Xaaji Dhagaxoow.

Gabagabadii guddoomiyahii hore ee guddiga Fatahaadaha Baledweyne ayaa ugu baaqay shacabka reer Hiiraan iney kula xisaabtamaan cid walba oo wax ka qabaneysa arrimaha gobolka, isagoona u mahadceliyay dhamaan dadkii lasoo shaqeeyay iyo guud ahaan shacabka reer Baledweyne.