7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 23, 2023
Ciidamada Burundi ee Soomaaliya ku sugan oo la siiyay diyaarado Helicoptero ah
 

Isniin, October, 23, 2023 (HOL) - Xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa ciidamada Burundi ee ku sugan Soomaaliya ku wareejisay saddex diyaaradood oo helikobter ah, si ay u caawiyaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

Qoraal rasmi ah oo ay hay'adda UNSOS soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay ku muujisay muhiimadda ay diyaaradahan u leeyihiin xoojinta hawlgallada ATMIS ee Soomaaliya.

Diyaaradahan oo ah kuwa qumaatiga u kaca oo nuucoodu yahay Mi-8 iyo Bell 412, islamarkaas na ay Qaramada Midoobay u oggolaatay, ayaa muhiimad gaar ah u leh kor u qaadida dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab.

“Waxay awood u siin doonaan qaadista ciidamada, si degdeg ah u soo celinta agabyada muhiimka ah, iyo daadgureynta agabka caafimaad ee loo daadgureynayo jiidaha hore ee dagaalka," ayaa lagu yiri bayaanka UNSOS.

UNSOS waxay sheegtay in ay ka go'an tahay bixinta taageerada saadka ee muhiimka ah iyo fududaynta ATMIS, iyada oo wada shaqayn dhow iyo mid wada jir ah la yeelanaysa Ciidamada Ammaanka Soomaaliya (SSF).

Taageeradan waxa ay ujeedadeedu tahay in ATMIS ay ka caawiso in ay si hufan u gudato waajibaadkeeda Soomaaliya, waxayna kusoo beegantay kadib markii Midowga Afrika (AU) uu aqbalay in 90 maalmood la hakiyo ka bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS.

Soomaaliya ayaa horay u heshay diyaaradaha helicopter-ka ee Bell 412, kuwaas oo la rabay in ay si weyn u kordhiyaan awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA).

Bishii Luulyo, ciidamada SNA waxa ay heleen laba ka mid ah helikobterradan mataanaha ah.