7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 23, 2023
Xukuumada Somaliland oo ka hadashay mawqifkeeda ku aadan gobolka Sool
 

Isniin, October, 23, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa markale sheegtay in gobolka Sool uu yaha dhul Somaliland ah, isla markaana dulaan lagu soo qaaday.

Wasiirka Wasaarada Tiknoolajiyada iyo Isgaadhsiinta Cabdiwali Cabdillaahi Sheekh Suufi, oo waraysi siiyay SAHAN TV, ayaa sheegay in gobolka Sool lagaga soo duulay qaybo Soomaaliya kamid ah.

"Wasaarada Arrimaha Dibbada ayaa soo saartay warsaxaafadeed kuna caddaysay mawqifka xukuumada oo ah in Sool ay tahay dhul Somaliland ah ... waxa ka socda Sool maaha cabasho bulsho ee waa dagaal iyo duulaan si wayn loogu soo qaaday Somaliland" ayuu yidhi Suufi.

Suufi waxa uu sheegay in socdaaladii u danbeeyay ee hoggaamiye Firdhiye ay caddayn u yihiin in Somaliland lagu soo duulay, isaga oo ula jeeda socdaaladii uu dhawaan ku tagay magaalada Muqdisho.

Waxa uu soo hadal qaaday dhinaca wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, isaga oo sheegay in Somaliland ay dowlada Soomaaliya kula hadli karto uun fagaare caalami ah, oo loo dhanyahay.

Xiisada magaalada Laascaanood ayaan wali dhamaan, iyada oo xukuumada Somaliland ay sheegtay in anay suuragal ahayn in Laascaanood Somaliland laga jaro.