7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 22, 2023
Xildhibaanada Beesha Xawaadle ee Hirshabeelle oo si kulul uga horyimid dhismaha golaha deegaan ee Jowhar
 

Axad, October, 22, 2023 (HOL) - Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ee Beesha Xawaadle ayaa si adag uga horyimid hanaanka loo qeybiyay dhismaha Gole deegaan oo lagu wado in laga dhiso magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xildhibaan Dhagaweyne iyo Xildhibaan Daahir Agoon oo ka mid ah Xildhibaanada beesha Xawaadle
ku matala Hirshabeelle ayaa ugu horeyn ku dhaliilay madaxda Hirshabeelle kala dhantaalida iyo iska horkeenista beelaha wada dega Hirshabeelle.

Xildhibaan Dhagaweyne ayaa sheegay inuu garab taagan yahay go'aankii waxgaradka Xawaadle ee degmada Jowhar ay ku diideen iney qaataan waxa aysan u qalmin Xawaadle.

"Wan ku faraxsanahay in waxgaradka Xawaadle ee Jowhar ay iska diideen labada xubnood ee guninada ah ee uu Guudlaawe Xawaadle la doonayay, isagoo beeshiisa siiyay 9 xubnood, halka Xawaadle oo ilaa 1960-kii duq magaalo kasoo ahaa Jowhar laba xubnood ugu qorsheeyay golaha deegaanka, waxaas wax la qaadan karo maha, ujeedkaas waa in Guudlaawe uu iska horkeeno dadka walalaha" ayuu yiri Xildhibaan Dhagaweyne.

Xildhibaan Daahir Agoon oo dhankiisa ka hadlay arimahaan ayaa si kulul u weeraray madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed oo uu ku tilmaanay nin caqabad ku ah danaha iyo horumarka Xawaadle.

Wuxuu sidoo kale Xildhibaana sheegay in dhaliisha uu shalay Dabageed u jeediyay dowladda Fedaraalka ay tahay mid meel ka dhac ah, islamarkaana dowladda ay kaalinteeda ay tahay mid nuuqata.

"Ninkan Dabageed ah waa nin caqabad ku ah dadka uu matalo waxa hada Jowhar loo keenay siduu biyo camal ugu cabsiin laha beesha aan ka wada dhalanay ee Xawaadle labada xubnood ee guninada oo Cali Guudlaawe la doonayo oo ay odayaashu iska diideen" ayuu yiri Xildhibaan Daahir Agoon.

Xildhibaanadaan ayaa sidoo kale ka tacsiyadeeyay dadkii Xalay lagu laayay nawaaxiga deegaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabeelaha Dhexe, iyagoona ugu baaqay waxgaradka beelahaas iney u istaagaan xal u helida colaadaas oo ay xuseen ineysan jirin maamul arintaasi wax ka qaban kara dowladdi dhexana ay mashquul ku tahay dagaalka ka dhanka ah Shabaab.