7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 22, 2023
Jubbaland oo soo bandhigay odayaal lagu eedeeyay inay Shabaab la shaqeeyaan

Axad, October, 22, 2023 (HOL) - Maamulka Jubbaland ayaa maanta oo axad ah magaalada Kismaayo kusoo bandhigay odayaal dhaqameed ku eedeysan inay la macaamul iyo wada shaqayn la sameeyeen kooxda Alshabaab.

Xeer ilaalinta maxkamadda Ciidanka Jubbaland, ayaa maxkamadda horkeenay Odayaashan, isagoo ka codsaday maxkamaddu inay u ogolaato 60 cisho oo xabsi xalaaleyn ah, si loo dhamaystiro baaritaanka kiiska ay ku eedeysan yihiin.

Maxkamadda ayaa ogolaatay in Odayaasha eedeysaneyaasha ah lagu sii hayo xabsiga muddo 2 bilood ah, si xafiiska xeer ilaalinta u dhamaystiro baaritaankiisa iyadoo xilligaas kadib si rasmi ah loo furi doono garmaqalka kiiskan.

Maamulka Jubbaland ayaa horey uga digay odayaasha dhaqanka inay taagan degaanada Shabaabka, iyadoo maamulku uu sheegay in ciddii aqbasha awaamiirta Alshabaab ama heshiis lasoo galaan inay iyaga lamid yihiin.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey xabsi gaaraya 15 sano ugu riday odayaal kasoo jeeda magaalada Cadaado, kuwaas oo Alshabaab ugu tagay degaanadooda, heshiisna lasoo galay.  

Xeer ay sanadkii hore soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa dambi ka dhigaya cid kaste oo la tacaamusha kooxda Alshabaab.

Magacyada Eedaysaneyaasha

1. Cabdiqaadir Maxamed Macalin Ibraahim

2. Ismaaciil Khaliif Ibraahim

3. Shire Cismaan Maxamed

4. Cabdi Barre Maxamed

5. Cumar Maxamuud Cilmi

6. Cabdi Maxamed Xirsi

7. Yuusuf Cabdullaahi Jaamac

8. Axmed Maxamuud Xasan

9. Salaad Cabdi Maxamuud

10. Cabdullaahi Bile Siciid

11. Axmed Cabdi Keyd