7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 22, 2023
Ilhaan Cumar oo hanjabaado dil ah kala kulantay dhaleeceynta weerarada Israel ee Gaza
 

Axad, October, 22, 2023 (HOL) - Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Koongareeska dalka Maraykanka, ayaa waxay sheegtay in ay u baqday badbaadada qoyskeeda, ka dib markii ay la kulantay hanjabaadyo dil ah oo ku aadan in ay dhaleeceysay sida Israel ay ula dhaqanto Falastiiniyiinta.

Haweenayda xisbiga Dimuqraadiga ah ee laga soo doorto gobolka Minnesota, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay la kulantay hadallo Islaam nacayb ah iyo hanjabaadyo loo jeedinayo qoyskeeda.

Ilhan waxay sheegtay in iyada iyo Muslimiinta kale ee Maraykanka ah ay si xun u saamaysay aflagaadooyinka ay kala kulmayaan kooxaha midigta fog. Iyada oo sheegtay inay khatar kala kulmayaaan dhaleeceynta weerarada Israa'iil ay ku hayso muslimiinta ku nool magaalada Gaza.

Waxay si gaar ah ugu hadashay hadallo ay adeegsadeen dhowr xildhibaan oo midigta-fog ah.

"Waxay si toos ah khatar u geliyeen nolosheyda iyo tan qoyskayga, sidoo kale waxay shaqaalaheyga kula kaceen aflagaado naxdin leh," Ilhan Omar ayaa sidaas ku tiri bayaanka ay soo saartay.

Fariin oo cod ah oo xafiiska Ilhan Cumar lagasoo diray, ayaa lagu sheegay in koox xagjir ah ay basaaseen haweenayda Congress-ka iyo carruurteeda.

"Tan iyo markii aan xafiiska la wareegay, laba nin ayaa qirtay dambiga ah inay iigu hanjabeen inay i dilayaan," ayaa lagu yiri bayaanka Cumar. “Tani waa mid dhab ah. Waxaan u baqayaa carruurtayda oo waa inaan kala hadlaa inay kusii jiraan feejignaan."

Muslimiinta iyo Falastiiniyiinta Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay kororka cagajuglaynta iyo hanjabaadaha qaar badan ay la kulmeen, iyagoo qaarkood ay barbar dhigeen inay dareemeen walaac lamid ah markii ay dhaceen weeraradii argagixisanimo ee Sebtember 11 2001.