7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 20, 2023
Dowlad degaanka Soomaalida oo sheegtay in Ardaydii Fasalka 12aad intoodii badnayd ay ku dhaceen imtixaankii sannadkan
 

Jimco, October, 20, 2023 (HOL) - Xukuumadda Dowlad degaanka Soomaalida oo ka hadashay Natiijada Imtixaanka fasalka 12aad oo dhawaan ardayda degaanku ay galeen ayaa sheegtay in boqolkiiba 99 tiro ka badan ay ardaydu ku dhaceen imtixaankaas ama ay keeneen natiijo ka hooseysa natiijadii loogu gudbayay Jaamacadaha.

Haddaba Wasiirka Waxbarashada ee degaanka Soomaalida Cabdilaahi Cabdi oo lahadlay Warbaahinta degaanka ayaa sheegay in natiijada sannadkan ardayda fasalka 12aad ay keeneen ay aad u hooseyso, isagoo xusay in sannadkan imtixaanka lagu galayay Jaamacadaha dalka Itoobiya.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in ka degaan ahaan ay Imtixaanka fasalka 12aad ee sannadkan ay u fadhiisteen 21,787 Arday, oo isugu jirtay Ardayda Cilmi degaan iyo kuwa Sayniska, waxaana baastay ama keenay natiijadii loogu gudbayay Jaamacadaha Arday gaaraysa boqolkiiba 0.3% oo u dhiganta 74 Arday oo kaliya.

Marka la eego guud ahaan dalka Itoobiya sannadkan waxaa imtixaanka Fasalka 12aad u fadhiistay Arday gaaraysa 84,5099 waxaana gudbay oo baasay 27,267 Arday oo u dhiganta boqolkiiba 3.2%. taas oo ka dhigan in natiijada hooseysa ay sannadkan ka jirtay guud ahaan dalka Itoobiya.

Dowladdu inkastoo ay arrintan u sababaysay dadaal yari dhanka Ardayda ah iyo inay ardaydu is dhigteen oo ay sahashadeen imtixaanka oo qaab cusub loo qaaday sannadkan, haddana dad badan ayaa ka biyo diiday hadalkaas dowladda kasoo yeeray, iyagoo xusay in dhinaca kale ay ceeb ku tahay dowladda in badi ardaydaasi ay gudbi waayaan oo dowladdu aysan dadaal badan horey ugu soo bixin.

"Natiijadu ma ahayn mid nafarax galisa, laakiin waa mid xaqiiq ah oo ay tahay inaan qaadano", ayuu kusoo gunaanaday Wasiirka Waxbarashadu ee Dowlad degaanka Soomaalida Cabdilaahi Cabdi.

Horey uma dhicin in ardayda degaanka Soomaalida ee fasalka 12aad ay heli waayaan natiijadii lagu baasayay, inkastoo dowladdu ay waxbadan ka badashay Waxbarashadii degaanka, sidoo kalena ay ka hortagtay Qishkii iyo qaababkii hore ee imtixaanka loogali jiray, haddana natiijada sannadkan soo baxday waa mid dad badani wax iska waydiinayaan.