7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 20, 2023
Faysal Cali Waraabe: Shir deg deg ah ha layskugu yimaado, waa in Laascaanood gorgortanka ka baxdaa

Jimco, October, 20, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa ku baaqay in madaxda Somaliland shir deg deg ah iskugu timaado oo Laascaanood gacanta Somaliland lagu soo celiyo.

Guddoomiyaha oo ka jawaabay dhawaaqii Wasiir Fiqi ee ahaa in SSC Khaatumo tahay maamul ku meel gaadh ah, ayaa sheegay in hadalka wasiirku uu soo dedejinayo uun in Somaliland gacanteeda kusoo celiso Laascaanood.

"Hadaad tiinii qaybiseen oo reer ka dhigteen taayadu noqon mayso, xuduuda Somaliland maleeshiyo reer ka tiraani ma badali karto, Fiqina ma badali karo ... arrintani waxay soo dadajinaysa uun in aynu xuduudaheenii si dhakhso ah u tagno" ayuu yidhi Waraabe.

Wasiir Fiqi ayuu ku eedeeyay in uu yahay nin ka tirsan dadka doonaya in uu Farmaajo soo noqdo, isla markaana waxa uu xusay in Somaliland ay aaminsantahay in Dowlada Federaalka Soomaaliya anay la qabin go'aankiisa.

Waxa uu sheegay in anay ahayn wax dhici kara in magaalada Laascaanood Xamar laga xukumo, waxa uuna sheegay in dadka reer Laascaanood laga gadayo wax aan suuragali doonin.

"Shir deg deg ah ha layskugu yimaado waa in aynu arrintaa si deg deg ah usoo afjarnaa, waa in ay gorgortanka kabaxdaa Laascaanood, waa in ay gacanta Somaliland kusoo noqotaa" ayuu yidhi Waraabe.

Waxa uu sheegay in go'aanka dowlada Soomaaliya uu burinayo go'aankii ahaa in labada dhinac sidii laba dal oo siman ay u wadahadlaan.