7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 20, 2023
Gaari Xamuul ah oo kooxda Al-shabaab u siday sahay badan oo gacanta lagu dhigay

Jimco, October, 20, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in howlgal qorsheysan ay maanta ka sameeyeen ciidanka amaanka deegaanka Dawacooleey oo ah deegaan u dhaxeeya Xiindheere iyo Gadoon ee gobolka Galgaduud iney ku qabteen gaari xamuul ah oo kooxda Al-shabaab u socday.

Gaariga ciidanka ay gacanta ku dhigeen ayaa la sheegay inuu siday sahay ciidan oo aad u badan, Shidaal iyo Raashin.

Intaa kadib waxaa lasoo wariyay in xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ka war helay in gacanta lagu dhigay gaarigii sahayda u siday iney weerar kusoo qaadeen ciidanka amaanka.

Weerarkaas ayaa la sheegay inuu ahaa mid waqti kooban socday, islamarkaana lagu dilay 3 ka mid ah xubnahii shabaabka ee weerarka soo qaaday.

Warbaahinta qaranka ayaa goordhaw baahisay sawirada gaariga siday sahayda loo waday kooxda Al-shabaab ee haatan xaalad go'doon ah ku wajaheysa qeybo ka mid ah deegaanada gobolada Galgaduud iyo Mudug ee maamulka Galmudug.