7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 20, 2023
Banaanbaxyo waa weyn oo lagu taageerayo Falastiin oo maanta ka dhacay Muqdisho

Jimco, October, 20, 2023 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka dhacay banaanbaxyo waa weyn oo looga soo horjeedo dhibaatada Israa'iil ay ku hayso dadka reer Falastiin.

Dadweynaha ka qeybgalay dibadbaxa oo isaga kala yimid degmooyinka kala duwan ee Muqdisho ayaa si weyn u muujiyay dareen ahaan sida ay uga xun yihiin duqeymaha diyaaradaha Israa'iil ka wadaan dhulka reer Falastiin, islamarkaana geystay mudo hal todobaad gudahood dhimasha kun qofood oo ah shacab reer Falastiin.

Sheekh Cabdul Xayi oo ka mid Culimadda Soomaaliyeed oo la hadlay dadweynahii isku soo baxay banaanbaxa ka dhanka ah Israa'iil ayaa sheegay in banaanbaxan uu muujinayo gardarada Israa'iil ku hayso Muslimiinta Reer Falastiin ineysan raali ka aheyn shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan iskugu soo baxnay inaan muujinyo qadiyadda ayna Israa'iil gardaran tahay, oo dhulka Islaameed ay haysato hadana xasuuq ka sii geysaneyso,” ayuu yiri Sheekh Cabdull Xayi.

Sheekh Cabdul Xayi ayaa sidoo kale sheegay in hubka Israa'iil ay ku gumaadeyso reer Falastiin iney ka awood badan tahay ducada, isagoona dalbaday in loo duceeyo.

“Hubka la isticmaalayo ducada ayaa ka khatarsan, maxaa yeelay ducada Ilaahay ayay u jeeda. Ilaahayow guulle Falastiin waa isku soo aruursadeene" ayuu yiri Sheekh Cabdul Xayi.

Isku soo baxaan maanta ka dhacay Muqdisho ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya ay maalin ka hor si adag u cambaareysay duqeymaha Israa'iil ay ka geysaneyso magaalada Qasa, islamarkaana ku baaqday xabad joojin shuruud la’aan ah.