7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 20, 2023
Farmaajo oo cadeeyay mowqifkiisa ku aadan hanaanka wax ka badalka Dowladninada Soomaaliya
 

Jimco, October, 20, 2023 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhaw cadeeyay mowqifkiisa ku aadan wax ka bedelka hanaanka dowladnimada dalka oo uu sheegay iney ka dhalan karto dhibaatooyin waa weyn.

Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in laga guuro hannaanka Baarlamaaniga ah ee ka jira dalka, lana laalo xafiiska Raysal Wasaaraha ay tahay masuuliyad ka baxsan awoodaha Hay’adaha dowladda, islamarkaana ay taabanayso masiirka dalka.

"Waxaan si dhow ula soconnaa dhaqdhaqaaqyada ku aaddan wax ka beddelka qaabka dowladnimada, hanaanka baarlamaaniga ah, habka doorashooyinka qof iyo codka ah iyo hannaanka xisbiyada badan. Wax ka bedelka qodobadaas oo aan loo marin wadada saxda ah waxay keeni karaan in dalku uu dib ugu noqdo xasilooni darro iyo hubanti la’aan" ayuu yiri madaxweynahii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay iney qasab tahay in la maqlo codka maamulka Puntland, go'aan kasta oo la gaarana uusan sax noqon karin, haddii ay madasha wadatashiga Qaran aysan qeyb ka aheyn Puntland.

"Baarlamaanka Federalka Soomaaliya waxaa waajib qaran iyo mid taariikhi ah ka saaran yahay in ay ka digtoonaadaan ansixinta qodobbada taabanaya jiritaanka dowladnimada ee aan loo marin hannaanka saxda ah, kuwaas oo abuuri kara kalsooni darro bulsho iyo jahwareer siyaasadeed.Waxaan garow sannahay ahmiyadda ay leedahay in la maqlo codka Dowlad Goboleedka Puntland oo ka maqan Madasha Wadatashiga Qaran si loo xaqiijiyo matalaaddooda ku aaddan arimaha masiiriga ah, taas oo aan looga maarmayn dawlad dhiska Soomaaliya" ayuu yiri Farmaajo.

Gabagabadii Farmaajo ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin in hogaan kooda ay ku soo doortaan codkooda, si xor iyo xalaal ah oo daahfuran, islamarkaana waafaqsan xeerarka iyo shuruucda dalka u yaala.

Hadalkaan kasoo yeeray Farmaajo ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Shalay qaar ka mid ah madaxdii hore ee dalka iyo siyaasyiin kale oo caan ah ay kasoo horjeesteen qorshaha wax looga badalayo hanaanka dowladnimada Soomaaliya.