7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 20, 2023
Duulimaadyadii garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne oo maanta hakad ku jira
 

Jimco, October, 20, 2023 (HOL) - Waxaa Saakay hakad ku jira dhamaan howlahii duulimaadyada diyaaradaha imaan jiray, kana duuli jiray garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne, kadib roobaab xoogan oo dhowr saacadood oo xiriir ah Xalay ka da'ay gudaha iyo daafaha Baledweyne.

Roobabka Xalay ka da'ay gudaha magaalada Baledweyne iyo deegaanada ku dhawdhaw ayaa sababay in garoonka diyaaradaha ay dhex fariistaan biyaha roobabka, taasi sababtay in dhamaan duulimaadyadii garoonka uu saakay hakad ku yimaado.

Boqolaal dad ah oo ku kala sugan Muqdisho iyo Baledweyne ayaa Xalay ku seexday iney u kala safraan labadaasi magaalo, hayeeshe saakay loo sheegay in garoonka uu yahay mid biyo dhex fadhiyaan, islamarkaana aysan jirin wax duulimaad ah oo kasoo dagaya, kana duulaya.

Sanad walba marka la gaaro xiliyada roobabka waxaa hubaal noqotay iney istaagto howlaha shaqo garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Si kastaba ha ahaatee garoonka diyaaradaha  Baledweyne waxa uu ka mid yahay garoomada ugu duulimaadyada badan gudaha Soomaaliya, waxaana kasoo xarooto si maalinle ah lacag lagu qiyaasay ugu yaraan 5 kun oo doolar oo canshuur ah, mana helin garoonka cid dayaca haysta ka saarta hadii ay noqon laheyd heer maamul goboleed iyo heer Fedaraal intaba.