7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 2 , 2023
Itoobiya oo sheegtay inay fashilisay weerar ay Al Shabaab rabtay inay kusoo qaado dowlad degaanka Soomaalida
 

Isniin, October, 2, 2023 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa goor dhawayd sheegtay in Ciidamadeedu ay fashiliyeen weeraro ay kooxda Al Shabaab damacsanaayeen inay kusoo qaadaan gudaha dalka Itoobiya gaar ahaa Doolo caddo oo katirsan Dowlad degaanka Soomaalida.

Warkan oo lagu baahiyay Warbaahinta FBC iyo EBC oo ay dowladdu maamusho ayaa sidoo kale lagu sheegay in kooxda Al Shabaab uu bartilmaameed koodu ahaa inay weeraro qorshaysan kusoo qaadaan degmada Doolo caddo oo xigta dhanka xuduuda uu degaanka Soomaalidu la leeyahay Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya waxa kale oo ay sheegtay in gacanta lagu dhigay hub kala duwan iyo waliba jeerikaano ilaa lix Jeerikaan ah oo laga soo buuxiyay walxaha qaraxa loo adeegsado, iyo 3000 kun oo ah rasaasta qoriga Bireemka ah, dhammaan hubkan waxaa laga qabsaday kooxda Al Shabaab oo rabay in hubkaas lagu dhibaateeyo shacabka degaanka Soomaalida, waa siday hadalka u dhigtay dowladda Itoobiya.

Ugu dambayn, Dowladda Itoobiya waxay sheegtay in howlahan lagu fashiliyay qorshaha Al Shabaab ay si wada jir ah u fuliyeen Ciidamada Militariga Itoobiya oo kaashanaya Hay'adaha amniga ee degmada Doolo caddo, waxayna dowladdu xustay in mar walba ay diyaar u yihiin sugidda amniga Shacabka.

Dhinaca xuduudda uu degaanku laleeyahay Soomaaliya waxaa marar hore ka dhacay iskudayo ay kooxda Al Shabaab damceen inay kusoo galaan degaanka Soomaalida, inkastoo wakhtiyadaa ay dagaallo culus ka dhaceen degaannada xiga dhanka xadka haddana dowladda Itoobiya waxay mudadaas kaddib xoogga saartay sidii ay u adkayn lahayd xuduuddan oo markii hore ay joogeen Ciidamada Liyuu Booliska, haddase ay joogaan Ciidamada Militariga Itoobiya.