7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 2 , 2023
Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay Qarax ka dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkiga

Isniin, October, 2, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay weerar shalay ka dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kaasi oo lala beegsaday dhismo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.

“Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa weerarkii fuleynimada ahaa ee ka dhacay magaalada Ankara-Turkey, waxaana tacsi u direynaa dadkii ku dhintay iyo qoysaskooda,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ayaa ku celisay in ay ka go’an tahay in ay garab istaagto Turkiga ka hortagga argagixisada, iyadoo ku baaqday dadaallo caalami ah oo wadajir ah oo lagula dagaallamayo argagixisada.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay la garab taagan tahay Turkiga ka hortagga argagixisada, waxaana mar kale xaqiijineynaa mowqifkayaga ku aaddan diidmada nooc kasta oo qalalaaso iyo argagixisanimo, waxaana ku baaqaynaa midnimo iyo baahida loo qabo dadaal wadajir ah oo dhab ah oo ka yimaada dhammaan beesha caalamka si loola dagaallamo argagixisada. ” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarkan ka dhacay dalka Turkiga, isagoo sheegay inuu ahaa weerar fuleynimo ah oo lagu bartilmaameedsaday dad aan waxba galabsan.