7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 2 , 2023
Dagaal beeleed ay ku dhinteen ugu yaraan 5 ruux oo ka socda degaan hoos yimaada Galdogob

Isniin, October, 2, 2023 (HOL) - Ugu yaraan 5 ruux ayaa ku geeriyootay, ku dhawaad 10 kalena way ku dhaawacmeen dagaal beeleed ka socda degaan hoos yimaada degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeya labo maleyshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda degmada Galdogob iyo degaanka Bandiiradley oo ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug. Waxaynu colaaddu salka ku haysaa sida aan xogta ku helnay, muran ka dhashay dhul daaqsimeed halkaas kuyaala.

Labadan beelood ayaa horey uga heshiiyay colaado dhexmaray iyagoo shirar lagu qabtay Bandiiradley iyo Galgodob uga heshiiyay colaadii dheerayd ee labada beel dhexyaalay.

Degaanka ay haatan dirirtu ka dhacayso ayaa lagu magacabaa Dalsan, wuxuuna kuyaala meel ku dhow xuduudka Itoobiya, waxaana laga xukumaa degmada Golgodob ee gobolka Mudug.

Sida aan ku helayno ilo xog ogaal ah ciidamo katirsan Puntland iyo Gamudug ayaa ku baxay colaadda, waxayna isku dayayaan inay joojiyaan dirirta u dhaxeysa labada maleyshiyo beeleed.