7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 2 , 2023
Dab khasaare geystay oo ka kacay suuq ku yaala magaalada Jowhar
 

Isniin, October, 2, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab khasaare geystay oo Xalay saqdii dhexe ka kacay Suuq ku yaala degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dabka ayaa la sheegay inuu ka kacay Foorno lagu sameeyo Buskutka jyo Xalwada oo ku dhex taala Suuqa xaafadda Hanti wadaag ee magaalada Jowhar.

Dabka oo ku faafay qeybaha kale ee suuqa ayaa dadaalo badan oo ay sameeyeen dadweyne isugu soo baxay damintiisa ay u suurta gashay iney ku guuleystaan damintiisa.

Wali si rasmi ah looma ogaan khasaaraha rasmiga ee uu ka geystay dabkaan Xalay ka kacay suuqa xaafada Hanti wadaag ee magaalada Jowhar, mana jirto wax war ah oo kasoo bacay dhanka maamulka degmada Jawhar iyo kan Hirshabeelle oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dabka ka kacay suuqa Xaafada Hanti wadaag ee Magaalada Jowhar.

Bishii August 28-keedii ee sanadkan 2023 ayay aheyd markii sidaan oo kale uu dab ugu kacay isla suuqaan Hanti wadaag, waxaana waqtigaas ku basbeelay qaar ka mid ah ganacsiga Suuqaas.

Magaalooyinka maamulka Hirshabeelle malahan wax gaadiid dab damis ah, taasina waxay sii adkeysa in si deg deg ah looga hortago dhibaatooyinka iyo khasaaraha ka dhasha marka uu dab ka kaco suuqyada magaalooyinka waa weyn ee ku yaala deegaanada Hirshabeelle.