7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 2 , 2023
Sadax beelood oo ku heshiiyay in si wadajir ah ula dagaalamaan kooxda Al-shabaab
 

Isniin, October, 2, 2023 (HOL) - Kulan u dhaxeeyay beelaha Habargidir, Murusade iyo Xawaadle oo ka dhacay deegaanka Wara dhumale ee gobolka Galgaduud, islamarkaana ay ka qeyb galeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, Wasiiro, Siyaasiyiin horay xilal kala duwan u soo qabtay ayaa looga hadlay dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Masuuliyiinta beelaha ee ka qeyb galay kulanka waxay dhamaantood sheegeen iney u diyaar u yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, islamarkaana si wadajir ah oo hagar la'aan ku jirto loo wada galo dagaalka Al-shabaab lagu ciribtiraayo.

Kulankaan sadaxda beelood ku dhexmaray deegaanka Wara dhumale waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa madaxweynaha maamulka Hiiraan State Cal Jeyte Cismaan oo ah hoggaamiyaha dagaalka lagu soo afjarayo kooxda Al-shabaab ee ku sugan deegaanka maamulka Galmudug.

Madaxweyne Cali jeyte oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in sadaxda beelood ee Xawaadle, Murusade iyo Habargidir ay isku raaceen in si wadajir ah looga wada qeyb qaato la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

"Al-Shabaab dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxay dhibaatooyin kala duwan ku hayeen bulshada ku nool gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, maanta waxaa la jooga xiligi aan iska dulqaadi laheyn, waxaan ka koobanahay sadax beelood waa inaan dhulkeena ka xureyna oo beenta ay Diinta anagana naga sheegaan aan soo afjarno" ayuu yiri madaxweynaha Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan.

Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee kulanka qeybta ka ahaa ayaa dhankiisa sheegay in go’aanka ay gaareen sadaxda beelood inuu yahay midkii lagu soo gabagabeyn lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Talaabadaan ay beelahaan ugu midoobayaan dagaalka Al-shabaab ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo ciidamada dowladda ay horay uga soo baxeen deegaano muhiim ah oo ay ka saareen kooxda Al-shabaab.