7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 19, 2023
Faysal Cali Waraabe oo ku baaqay in loo diyaargaroobo sidii Laascaanood gacanta Somaliland loogu soo celin lahaa

Khamiis, October, 19, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa ku baaqay in loo diyaaro garoobo sidii xoog iyo xeelad mid uun Laascaanood dib loogu celin lahaa gacanta Somaliland.

Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta la hadlay xili uu kasoo laabtay safar dibada ah, ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay la hadasho waxgaradka SSC, lakiin marka hore ay tahay in ciidamada kale ee gurmadka ku yimid ka baxaan.

"Waa in aynu sharafteenii soo celinaa, ciidanka tayaynaa, oo aynu xuduudeheenii tagnaa, waanu jecelnahay in aanu wada hadal ku dhamayno lakiin bishuruud waa in ay ka baxaan Majidholand" ayuu yidhi Waraabe.

Reer Sool ayuu ugu baaqay in ay miiska wadahadalka yimaadaan "Waxgaradka iyo garaadada waxan leeyahay 100 wado oo aynu ku wadahadalno ayaa inoo caado ahaan jirtay yaan laydin isticmaalin" ayuu yidhi Waraabe.

Waxa uu xukuumada ugu baaqay in jaanis la siiyo wadahadal lagula furo garaadada SSC, lakiin dhinaca kalena millateri ahaan loo diyaar garoobo, waxa uuna ku baaqay in la midoobo, oo quluubta shacabku isku duubnaato.

Dowlada Soomaaliya ayaa SSC Khaatumo u aqoonsatay maamul ku meel gaadh ah, iyada oo sheegtay in ay si dhaw ula shaqayndoonto hoggaanka SSC Khaatumo.