7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 19, 2023
Wasiir Fiqi: Dowladda federaalku waxay si dhow ula shaqeynaysaa maamulka SSC- Khaatumo
 

Khamiis, October, 19, 2023 (HOL) - Dowladda federalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay inay si dhow ula shaqayn doonto maamulka KMG ah ee SSC- Khaatumo, iyadoo dowladdu sheegtay inay aqoonsan tahay go’aankii masiiriga ah ee ay gaareen duubabka dhaqanka ee kasoo jeeda degaanadaas.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, oo jeedinayay warsaxaafadeed kasoo baxay kulamadii Muqdisho uga socday hoggaamiyaha SSC iyo dowladda federalka, ayaa sheegay in ay dowladda si buuxda uga howlgalayso wax ka qabashada xaaladaha bini'aadantinimo ee degaanada SSC- Khaatumo.

Wasiir Fiqi wuxuu ugu baaqay maamulka SSC- Khaatumo iyo Somaliland in ay la kala wareegaan maxaabiista ay kala haystaan, wuxuuna sheegay dowladda federalku inay diyaar u tahay inay fududayso sidii arrintaas ay ku dhici lahayd.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in labada dhinac ay sameeyaan xabbad joojin, ayna noqdaan dad derisoo nabad ku wada nool.